JAN 05 (Mareeg24.com) Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda Puntland, gaar ahaan dagaalka ay ku qaaday kooxda Daacish ee ku sugan gobolka Bari.
Cumar Cabdirashiid ayaa marka hore madaxda Puntland iyo ciidamada ku boggaadiyay dagaalka ay la galayaan kooxda Al-Shabaab, si looga xoreeyo dhulka buuraleyda ah.
Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliya in maamul goboleedyadala dagaalamaya kooxaha argagixisada ah ay siiso taageero deg-deg ah, si meesha looga saaro.
“Dowladda federaalku waa inay u muujisaa taageero siyaasadeed iyo mid amni oo ku wajahan dhammaan Maamul Goboleedyada si meesha looga saaro khataraha argagixisada ka hor inta uusan dhammaan 2025” ayuu yir ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo haatan ciidamada Puntland ay howlgallo culus ka wadaan aagga deegaanka Dharjaale oo ay ku xoogan yihiin xubnaha kooxda Daacish.
Waxaa howlgallada sidoo kale barbar socda duqeymo diyaaradeed oo ay fulinayaan saaxibada caalamiga ah, kuwaas oo hawada ka taageerayo ciidamada Puntland.
Todobaadkii hore ayay ahayd markii kooxda ay weerar culus kusoo qaaday xerada lagu diyaarinayo ciidamada Puntland ee ka qayb-galaya howlgallada, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.