Wednesday, January 22, 2025
HomeArticleWafdi ka socda TURKIGA oo kusoo wajahan Muqdisho + Heshiiskii ANKARA

Wafdi ka socda TURKIGA oo kusoo wajahan Muqdisho + Heshiiskii ANKARA

JAN 04 (Mareeg24.com) Wafdi culus oo ka socda dalka Turkuga ayaa lagu wadaa inay dhowaan soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, halkaas oo ay ka bilaabi doonaan dhaq-dhaqaaqyo ku aadan sii xoojinta xiriirka labada dowladood.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wafdigan oo ah mid sare ayaa hordhac u ah safar la filayo in Muqdisho uu ku yimaado madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo isku mari doono Soomaaliya iyo Itoobiya oo dhowaan ku guuleystay inuu heshiis dhex dhigo labada dal.

Wafdiga ka imaanaya Turkiga ayaa ka shaqeyn doono qaban-qaabada safarka madaxweynahooda oo dhowaan shaaciyay in uu horraanta bishaan ku imaanayo Soomaaliya, sida ay horay u shaacisay dowladda Turkiga.

Sidoo kale wafdiga Turkiga ayaa kulamo hordhac ah a qaadan doono madaxda sare ee dowladda federaalka iyo howlwadeennada ku sugan safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.

Waxaa kale oo mas’uuliyiinta Turkiga uu soo dirayo ay isla shaqey doonaan guddiga ka imaanaya dowladda federaalka ee soo dhaweynta Erdogan u xilsaaran, waxayna isla dejin doonaan hab maamuuska loo diyaarinayo madaxweynaha.

Dhanka kale,  Recep Tayyip Erdogan ayaa marka uu safar ku yimaado magaalada caasimada ah ee Muqdisho sidoo kale sii mari doonna magaalada Addis Ababa ee Itoobiya sida uu ku sheegay qoraal uu kol hore soo geliyay Bartiisa X ee horay loo oran jiray Twitter.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah iyo saaxibtinimo, iyada oo haatan Ankara ay Muqdisho ka taageerto dhinacyo muhiim ah, sida bani’aadanimada iyo milatariga, gaar ahaan dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka iyo qalabeyntooda,.

Si kastaba, Erdogan ayaa safarkiisii ugu horreeyay Soomaaliya ku yimid bishii August ee sanadkii 2011-kii isaga oo ahaa ra’iisul wasaaraha Turkiga, xiligaas oo xaalad adag oo dhanka abaaraha ah ay ka jirtay dalka, Muqdishana ay ku sugaayeen baracakayaal badan.

RELATED ARTICLES
- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments