JAN 05 (Mareeg24.com) Dad badan oo ku nool England iyo Wales ayaa saakay ku soo toosay baraf badan oo buuxa wadooyinka.
Garoonka diyaaradaha ee Leeds Bradford ayaa hadda dib loo furay waxaana la sheegay in uu howlihiisa dib u bilaabay kaddib markii si kumeel gaar ah loo xiray saakay. Garoomada Manchester, Liverpool iyo Birmingham ayuu sidoo kale saameeyay barafka.
Duulimaadyo badan ayaa la joojiyay iyadoo kuwa kalena dib loo dhigay dhowr garoon oo waa weyn.
Waxaa laga digay in saameynta ay sii jiri doonto maanta oo dhan iyadoo qeybo ka mid ah dalka ay korontada tagi doonto balse khubaradu waxay sheegeen in ay filayaan in xaaladda soo fiicnaato.
Mid ka mid ah darawalada UK oo lagu magacaabo Lee ayaa saakay u sheegay BBC in wadada weyn ee M1 ay aheyd mid halis ah. Wuxuu sheegay in uu ku xanibmay baraf gaaraya ilaa iyo 20 sentiimitir.
Darawal kalena wuxuu BBC-da u sheegay in qofkii caawinayay hooyadii uu u tagi waayay saakay sidaas darteedna uu ka walaacsan yahay xaalada wadooyinka iyo saameynta ay ku yeelanayaan adeegyada muhiimka ah.
Toddobaadka dambe ayaa laga baqayaa in ay sidaan oo kale dhacdo iyadoo khubarada saadaasha hawada ay ka digayaan khatarta barafka.
Duulimaadyo badan ayaa la joojiyay iyadoo kuwa kale dib loo dhigay dhowr garoon oo waa weyn.
Barafka ayaa ku badanaya waqooyiga England inkastoo qeybo badan oo UK ah uu barafku joogsaday oo roob isu badalay.
Marka laga soo tago in qeybo UK ka mid ah ay korontada ka tagtay hadana waxaa jira dad gaaraya ilaa iyo 30,000 oo biyahu ka go’een