Thursday, January 23, 2025
HomeArticleCiidanka Ukraine oo weerar ku qaadday gudaha dalka Ruushka

Ciidanka Ukraine oo weerar ku qaadday gudaha dalka Ruushka

JAN 06 (Mareeg24.com) Ukraine ayaa weerar rogaal celis ah ku qaadday gobolka Kursk ee Ruushka, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Ruushka.

Moscow waxay sheegtay inay la kulantay weerar dhanka hawada ah oo loo adeegsaday madaafiic, halka saraakiisha Ukraine ay sidoo kale sheegeen in howlgal uu socdo.

Ciidamada Ukraine ayaa gudaha u galay gobolka Kursk bishii Agoosto, iyaga oo la wareegay qaybo kamid ah gobolkaas, balse ciidamada Ruushka ayaa dib uga riixay meelaha qaar iyaga oo aan ku guuleysan in ay gabi ahaanba ka saaraan.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in dammaanad qaadka amniga ee horseedaya soo afjarida dagaalka uu noqon doono mid wax ku ool ah haddii Madaxweyne Trump uu bixiyo taageero buuxda.

Trump ayaa ballan qaaday intii uu ku guda jiray ololihiisa doorashada inuu si degdeg ah u soo afjari doono dagaalka, isagoo aan bixin faahfaahin.

Zelensky wuxuu yiri “Aniga iyo Trump waxaan gaari doonnaa heshiis waxaana bixineynaa dammaanad amni oo xooggan, oo ay qayb ka yihiin Yurub, ka dibna waxaan la hadli karnaa Ruushka”.

Sida laga soo xigtay wasaaradda difaaca ee Ruushka, cutubyo ka tirsan ciidanka Ukraine oo ka kooban laba taangi, gaadiidka gaashaaman oo 12 gaaraya kuwaas oo noocooda lagu sheegay (AFVs) ayaa weeraray meel u dhow tuulada Berdin abbaare 09:00 (06:00 GMT) Axaddii.

Ciidamada Ruushka ayaa dib u soo weeraray, sida ay sheegeen, waxayna burburiyeen laba taangi, gaari ay leeyihiin militariga iyo toddobo baabuur oo gaashaaman, waxa ayna intaa ku dareen in dagaalku uu sii socday.

Wakaaladda wararka Ruushka ee Ria, ayaa daabacday muuqaal hawada sare ah oo muujinayay sida loo weeraray gaadiidkii ciidamada Ukraine, kuwaas oo dhex socday goob baraf badan uu daboolay oo ku taalla meel baadiye ah.

RELATED ARTICLES
- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments