JAN 06 (Mareeg24.com) Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Somaliland ayaa ka hor sheegay baarlamaanka Somaliland 27 Disember 2024 kadib khudbad uu ka jeediyay baarlamaanka taas oo ku faahfaahiyay in dalkiisu uu mudnaanta koowaad siinayo sidii uu aqoonsi u heli lahaa, “ma aha in ay dhibaato u keento dalka iyo dadka .”
Wasiirku waxa uu ka hadlayey arrinta ku saabsan heshiiskii is af-garad ee dhex maray Somaliland iy Itoobiya 1 Janaayo 2024, wuxuuna sheegay in heshiiskaas aanu ahayn mid daahfuran, ayna kasoo horjeedaan Is-afgaradka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa khudbad uu ka jeediyay Baarlamaanka wuxuu ku Kadib markii ay Ethiopia ku dhawaaqday in ay saldhig ciidan ka sameysaneyso deegaankaas, isla markaana ay aqoonsan doonto Somaliland, Soomaaliya oo u aragta in heshiisku uu xadgudub ku yahay ayaa arrintaasi u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xukuumadda cusub ee bedeshay xukuumaddii hore ee Somaliland ee heshiiska la saxiixday Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in isaga iyo baarlamaankuba ay dib u eegis ku sameeynayaan heshiiskaas.
Wasiirka ayaa sidoo kale baarlamaanka u sheegay in uu mudnaanta koowaad siinayo aqoonsiga Somaliland oo muddo 33 sano ah raadinaysay aqoonsi caalami ah.
Si kastaba ha ahaatee, waxa uu ku nuuxnuuxsaday in aanay “dalkooda dhibaato u gelin doonin” aqoonsi dartiis.faah faahiyay in uu ka soo horjeestay Heshiiskii Is-afgaradka ah.
“Waxay Ethiopia tiri ‘waxaynu ka fikiraynaa ictiraafka marka aynu helno xeeb’, meel ay yiraaahdeen Somaliland baanu aqoonsanaynaa ma jirto,” ayuu yiri wasiirku mar uu ka jawaabayay su’aal ay guddida arrimaha dibadda ee baarlamaanka ay heshiiska ka weydiiyeen”, ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan.