JAN 16 (Mareeg24.com) Dabaal-dagyo ayaa durbaba ka bilowday magaalada Qaza oo dhan. Dadka ayaa isugu soo baxay waddooyinka iyagoo faraxsan oo lulaya calanka Falastiin iyadoo xiligaas duqeymaha Israa’iil laga soo warinayay meelo kale.
WAJIGA KOOWAAD EE HESHIISKA:
Ciidanka Israa’iil ayaa ka bixi doona gudaha Qasa muddada 42 maalin ee wajiga koowaad ee heshiiska , iyagoo masaafo u jirta 700 mitir tagi doona.
Israa’iil ayaa sii deyn doonta illaa 2,000 oo maxaabiis falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 250 oo horey loogu xukumay xabsi daa’im.
Kooxaha falastiiniyiinta ayaa sii dayn doona 33 maxbuus oo Israa’iiliyiin ah.
Israa’iil waxay u ogolaan doontaa dadka dhaawaca ah ee Qasa in dibadda loo qaadi karo si ay u helaan gargaar caafimaad.
Israa’iil waxay furi doontaa marinka Rafah toddoba maalmood kaddib bilawga marxaladda koowaad.
Gaadiidka gargaarka ayaa loo oggolaan doonaa inay tagaan waqooyi Qasa.
Dadka ku sugan koonfurta ayaa sidoo kale loo oggolaan doonaa inay ku laaban karaan guryahooda waqooyiga Qasa.
Isku socodka ayaanna la isku furi doonaa guud ahaan marinka.