Thursday, January 23, 2025
HomeArticleXamaas iyo Israa'iil oo ugu dambeyn heshiis gaaray

Xamaas iyo Israa’iil oo ugu dambeyn heshiis gaaray

JAN 16 (Mareeg24.com) Israa’iil iyo Xamaas ayaa ogolaaday inay gaaraan heshiis xabad joojin ah iyo siideynta la haystayaasha, kadib dagaal socday muddo 15 bilood ah, sida ay sheegeen dhexdhexaadiyeyaasha Qadar iyo Mareykanka.

Heshiiska ayaa la gaaray ka dib wada xaajoodyo xooggan oo dhawaan ka socday dalka Qadar.

Hadii uu guuleysto heshiskan oo socon doona muddo 6 todobaad ah, wuxuu horseedi doonaa wadahadal dhab ah oo lagu jiijinayo dagaalka Qasa.

Dabaal-dagyo ayaa durbaba ka bilowday magaalada Qaza oo dhan. Dadka ayaa isugu soo baxay waddooyinka iyagoo faraxsan oo lulaya calanka Falastiin iyadoo xiligaas duqeymaha Israa’iil laga soo warinayay meelo kale.

Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdul Rahman Al Thani, ayaa sheegay in heshiiska uu dhaqan geli doono Axadda haddii golaha wasiirrada Israa’iil uu ansixiyo.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in tallaabadan ay ‘joojin doonto dagaalka Gaza, isla markaana ay sare u qaadi doonto doonto gargaarka bini’aadantinimo ee ay aadka ugu baahan yihiin shacabka reer Falastiin, isla markaana ay maxaabiistu la mideyn doonto qoysaskooda.

Dhanka kale, Lataliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby, ayaa sharraxay sababta ay muhiim u ahayd in lagu daro maamulka cusub ee Trump wadaxaajoodka waxuuna sidoo kale sheegay in muhiimaddu ahayd hirgelinta heshiiskaas.

Heshiiskan ayaa ahaa wixii madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Biden uu si aad ah ugu hamiyey kadib Dhibaatooyinkii 15-kii bilood ee ugu dambeysay socday iyo arrinta ka qabsatay kala qaybsanaanta siyaasaddiisa arrimaha dibadda iyo gudahaba.

Noocyada heshiiska ayaa miiska saarnaa tan iyo May sanadkii hore. Xamaas iyo Israa’iil ayaa midba midka kale ku eedeeyay dib u dhaca heshiiskaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments