JAN 07 (Mareeg24.com) Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa saacadihii hore ee maanta gantaallo ku weerarray Telaabiib iyo bartamaha Israa’iil — weerarka wuxuu tilmaam ka bixinaya sida ay Xuutiyiinta sare ugu qaadeen weerarradooda ay ku beegsanayaan Israa’iil. Docda kale, warbaahinta xiriirka la leh Xuutiyiinta ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo Ingiriiska ay saddex weerar oo duqeymo cirka ah ka geysteen bariga magaalada Saada ee waqooyi-galbeed ee Yemen.
Dhammaadkii bishii Oktoobar, kooxda Xuutiyiinta ayaa ku dhawaaqday markii ugu horreysay inay Israa’iil la beegsadeen gantaallo badan iyo diyaarado aan duuliye lahayn. Khilaafka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas ayaa ah sababta ay Xuutiyiintu u beegsanayaan Israa’iil.
Xuutiyintu waxay ka soo unkameen ururradii ku jiray colaadda ka dhanka ahayd dowladdii Yemen, balse waxay asaal ahan ku aroorayeen madhabta Zayd oo ka mida madhabyada Shiicada.