JANÂ 16 (Mareeg24.com) Yoon Suk Yeol, waxa uu ku dhashay Bomun-dong oo ka tirsan degmada Seongbuk ee Seoul, 18 Diseembar sanadkii 1960, waxa uu ku koray Yeonhui-dong, oo ka tirsan degmada Seodaemun, waxa uu ka soo jeedaa qoys waxbarasho, waana Madaxweynihii 13 aad ee Kuuriyada Koonfureed.
Waxa uu dhiganayay Dugsiga hoose ee Daegwang iyo dugsiga dhexe ee Joongrang, isaga oo u wareegay dugsiga dhexe ee Choongam ka dib markii uu dhammaystay fasalka siddeedaad, waxa uuna ka qalin jabiyay dugsiga Sare ee Choongam.
Waxa uu laba shahaado ka qaatay Jaamacadda Qaranka ee Seoul ‘Seoul National University’, waxa uu soo qabtay xilal kala duwan, waqtigiisii ugu badnaa waxa uu ku soo qaatay xeer ilaalin isagoo ka soo kala shaqeeyay xafiisyo kala duwan oo la xiriira xeer ilaalinta, illaa markii danbe uu noqday madaxweynaha Xisbiga Awoodda Dadweynaha ee People Power Party (PPP).
Aabihii, Yoon Ki-jung, waxa uu ahaa borofaysar cilmiga dhaqaalaha ka dhiga Jaamacadda Yonsei iyo xubin buuxda oo ka tirsan Akademiyada qaranka iyo Sayniska ee Kuuriya.
Madaxweynaha xabsiga loo taxaabay ee Kuuriyada Koonfureed, Yoon Suk Yeol, ayaa diiday inu ka qeyb qaato maalinta labaad ee su’aalo weydinta. Su’aalaha aya aku saabsan isku daygiisi inuu dalka ku soo rogo xukun milatari.
Yoon ayaa la xiray Aracai shalay ahayd, isagoo lagu eedeeyay kicin dadweyne iyo ku takrifal awoodeed.
Ha yeeshe, maxkamada dastuuriga ah ayaa qabanaysa dhageysi maxkamadeed oo ay ku go’aamineyso in si rasmi ah xilka looga qaadayo madaxweynaha ama in dib loogu soo celinayo awooddiisa.
Yoon Suk Yeol, waxa uu ku adkaysanayaa in dembiyada laga baarayo ay yihiin kuwa sharci darro ah.